Wednesday, January 15, 2025


Nagu Saabsan

By faallo , in Nagu Saabsan , at February 28, 2021

Faallo.so/.net, waa bog online ah oo madax bannaan, kaas oo loogu talogalay in lagu daabaco warbixinno, maqaallo, faallooyin iyo cilmibaarisyo la xiriira arrimaha Soomaaliya. Boggani waxa uu diiradda saarayaa falanqeynta wararka ay sida maalinlaha ah warbaahinta dalku u tebiso, iyo weliba odoroska xaaladaha la xiriira siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, waxa uu boggani martigelinayaa qormooyinka cilmiga ah ee ku dhisan aragtiyaha, kuwaas oo aan keliya ku saabsanayn xaalado iyo dhacdooyinka markaas taagan, balse muhiimad u leh qaabeynta habfekerka bulsho, iyo qaayo-u-yeelidda habnololeedkooda.


Ujeeddada loo aasaasay bogga?

Soomaaliya waxaa ka jirta warbaahin badan oo diiradda saarta arrimaha wararka iyo waraysiyada siyaasiyiinta iyo hoggaanka bulshada oo soo bandhiga aragtidooda iyo fekerkooda ku aaddan arrimaha taagan. Warbaahinta Soomaalidu kuma guulaysan in ay raadiyaan aragti ka duwan tan masuuliyiinta dowladda iyo hoggaamiyayaasha bulshada oo laga yaabo in aysan mar kasta ahayn xaqiiqo ama dano gaar ah laga yeelan karo. Sidoo kale, Warbaahintu waqti badan ma galiso falanqaynta ama dharaandhirinta dhacdooyinkaas ayada oo la adeegsanayo dad madax bannaan oo aqoon u leh arrimaha taagan.
Boggaani waxa uu fursad siinayaa codadka aqoonyahanka iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed si ay wax ugu darsadaan samaysanka wacyi-bulsheedka guud iyaga oo u maraya falanqeyn iyo faalleyn aqoon ku dhisan oo ay ku samaynayaan wararka ku saabsan xaaladaha markaas taagan, ama xogaha la xiriira saadaasha mustaqbalka. Fursadda noocaas ah waxa ay dadwaynaha Soomaaliyeed siin doontaa macluumaad ay u kaashadaan ama ku jaangoostaan go’aannadooda nolosha iyo aragtidooda siyaasadeed.
Sidoo kale, soo-bandhigidda kaalinta aqoonyahanku waxa ay gacan wayn ka geysan kartaa xalka dhibaatada Soomaaliya haysata, oo mid ka mida sababaha keenay loo arko in siyaasiyiintu ay- inta badan, bulshada u sheegaan waxa ay rabaan ayaga oo aan xujo haysan ama aan lagala doodin. Sidaas awgeed, kaalinta aqoonyahanku waxa ay saamayn ku yeelan doontaa go’aannada siyaasadeed ee ay hay’adaha dowladeed gaarayaan iyo ku-dhaqanka sharciga iyo dhowrista mabaadii’da bulshada iyo qarankaba.

Haddaba, boggani si uu u xaqiijiyo, ugana mira-dhaliyo yoolkiisa guud waxa uu ku dadaalayaa in uu howlgalkiisa caadiga ah ku jaangooyo hiigsiga iyo hanashada ujeeddooyinka hoos ku xusan;


1.​ ​Soo-bandhigista Xaqiiqda Jirta
Warbaahintani waxa ay xoogga saari doontaa in bulshada Soomaaliyeed ay hesho macluumaad xaqiiqo ah oo ka madax bannaan aragti siyaasadeed ama dano dhaqaale, si ay dadku u awoodaan in ay runtaas ku dhisaan go’aannadooda nolosha iyo aragtiyada ay ka qaadanayaan xaaladaha ku xeeran.


2.​ ​Faaqidaadda Dhacdooyinka
Boggu waxa uu fursad siin doonaa qorayaasha iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed si ay faaqidaad ugu sammeeyaan dhacdooyinka iyo go’aannada siyaasadeed ama bulsho ee dalka ka dhaca. Si cilmi ah ayaa loo soo bandhigi doonaa aragtida dadka aqoonta iyo khibradda u leh dhacdo kasta oo dhacda, si ay bulshadu u helaan macluumaad run ah oo madax bannaan, kaas oo ka qeybqaadanaya dib-u-dhiska dalka iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed.
Maaddaama inta badan warbaahinta Soomaalidu ay waqti galiyaan wararka iyo tabinta dhacdooyinka maalinlaha ah, boggani waxa uu faaqidi doonaa sababta dhacdada, casharrada ku jira, danaha laga leeyahay iyo saammaynta ay yeelan karto mustaqbalka.


3.​ ​Dharaandhirinta Arrimaha Taagan
Faallo, waxa ay sidoo kale dharaandhirin doontaa xaaladaha ka jira waddanka, ayada oo laga eegayo dhinacyada cilmiga, fekerka iyo mabaadii’da iyo qiyamka bulshada. Hadafka laga leeyahay dharaandhirinta waa in dadku ay helaan aragti ka madax bannaan dhinacyada siyaasadda ama arrimaha qaar isku haya oo doodahooda waafajinaya danahooda.


4.​ ​Cilmibaaris
Boggani waxa uu dhiirrigalin doonaam isla markaana soo bandhigayaa cilmibaarisyo la xiriira arrimaha Soomaaliya, oo ay sammeeyaan aqoonyahanka Soomaaliyeed ama kuwa caalamka. Hadafka arrintaani waxa ay tahay in la xoojiyo qoraallada cilmiga ah ee dalka oo aad u kooban, kuwaas oo xal u noqon kara dhibaatooyin badan oo dalka ka jira, ama qeyb ka noqon kara horumarka waddanka.

Comments