Bannaanbaxu ma yahay xalka kaliya ee doorasho lagu gaari karo?
Midowga Musharraxiinta ayaa mar labaad ku baaqay in ay qabanayaan bannaanbax looga soo horjeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo oo ay ku eedeeyeen in ay sharci darro ku joogto maaddaama uu waqtigii dastuurku siiyay ka dhammaaday. Waxa ay ku eedeynayaan madaxweynaha kaligii-talisnimo, ayaga oo shacabka ugu baaqay in ay bannaanbax nabadeed sammeeyaan si uu madaxweynuhu uga baxo Villa Soomaaliya.
Khamiistii hore oo ay bannaanbax noocaan ah abaabulayeen mucaaradku, waxaa dhintay askar halka uu dhaawac soo gaaray dad rayid ah markii is-rasaasayn dhex martay ciidanka dowladda iyo ilaalada Musharraxiinta qaarkood. Sidoo kale, subaxdii jimcaha ayaa israsaasaynu ka dhacday waddada aadda garoonka diyaaradaha xilli ay halkaas bannaanbax ku dhigayeen dad shacab ah oo ay la socdeen Raysal-wasaarihii hore, musharraxiinta qaar iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Midowga Musharraxiintu waxa uu dowladda ku eedeeyay in ay weerartay hoteel ay degganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sidoo kale waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay rasaas ku fureen bannaanbaxii ay hoggaaminayeen ee ka dhacay waddada garoonka diyaaradaha.
Dowladdu waa ay iska fogaysay eedahaas ayada oo sheegtay in maleeshiyaad taabacsan midowga musharraxiinta ay soo weerareen fariisimo ay hay’adaha amnigu ku leeyihiin goobo ka mid ah magaallada Muqdisho.
Doodda xukuumadda iyo Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu baarlamaanka ka horsheegay in sida uu qabo sharci uu baarlamaanku ansixiyay sannadkii hore hay’adaha dowladdu ay xilka sii hayn doonaan inta laga soo dooranayo hay’adihii beddeli lahaa. Arrintaas waxa ay ka soo horjeeddaa dastuurka KMG ah oo dhigaya in muddo xileedka hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta uu yahay 4 sano.
Dowladdu waxa ay sidoo kale sheegeysaa in cudurka COVID-19 oo laba kacleeyay dartiis aan la qaban karin bannaanbax iyo isu immaad dadweyne. Dhinaca mucaaradku waxa ay sheegayaan in bannaanbaxu uu yahay xaq dastuuri ah oo ay muwaadiniintu sammayn karaan xilliga ay doonaan ruqsad la’aan.
Heshiiskii 17 September 2020
Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa heshiis ku gaaray magaallada Muqdisho 17-kii September 2020. Heshiiskaas waxa uu dhigayay in doorasho dadban la qabto, ayada oo laga heshiiyay dhammaan qodobbadii loo baahnaa in la fuliyo si doorasho loo aado. Bilo kaddib waxaa khilaaf ka dhashay arrinta maamulka gobolka Gedo, Guddiga doorashada oo xubno saraakiil ciidan iyo shaqaale dowlo lagu sheegay lagu soo daray iyo arrinta guddiga doorashooyinka Soomaliland. Khilaafkaasi waxa uu keenay dib u dhac, dhowr shir oo la galay laguma heshiin, taas oo ugu dambayn keentay in muddo-xileedka dowladda federaalka ahi uu dhammaado ayadoon laga heshiin arrimahan.
Kaalinta Beesha Caalamka
Beesha Caalamku waxa ay taageertay heshiiskii la gaaray 17-kii September oo noqon kara waddada kaliya ee looga gudbi karo qalqalka siyaasadeed ee uu dalku galay. Waxa ay diideen in la qabto doorasho aan loo dhammayn iyo hannaan barbar socda heshiiskii 17-ka September. Sidoo kale, waxa ay hoggaamiyayaasha Soomaalida ku cadaadinayaan in ay isu yimaadaan, khilaafkooda xalliyaan, lana dadajiyo doorashada.
Wakiilka Qaramada Midoobay iyo safiirada dowladaha caalamka u fadhiya Soomaliyaa ayaa hoggaamiyayaasha Soomalida kula kulmay Muqdisho, Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo. Sidoo kale, waxa ay si toos ah iyo Internetkaba kula shireen Midowga Musharraxiinta oo ay u caddeeyeen in ay taageerayaan heshiiskii 17-ka September, islamarkana aysan aqbalaynin hannaan kale oo barbar socda iyo xasarad toona.
Haddaba kaalinta mucaaradku ma taageereysaa dadajinta doorashada?
Shaki kuma jiro in bannaanbax nabadeed oo dadku ku soo bandhigaan aragtida ay ka qabaan arrin ama maamul talinaya ayuu yahay wadiiqo nabadeed oo si ilbaxnimo leh wax logu beddeli karo marka la joogo dal dimoqoraaddi ah. Si gaar ah, in mucaaradku dadka isu keenaan waxa ay cadaadis saari kartaa madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadda oo waqtigii loogu talo galay doorasho ku gaarsiin waayay dalka.
Marka la fiiriyo wixii dhacay 19 Feberaayo, bannaanbax ka dhaca Muqdisho uma ahan arrin la aqbali karo dowladda Farmaajo, taas oo walwal galinaysa dadka. Waxaa laga cabsi qabaa in fowdo ay dhacdo taas oo noqon karta saammaynta taban ee bannaanbaxa oo ay xaq dastuuri ah oo ay shacabku leeyihiin.
Bannaanbaxu ma ahan waddada kaliya ee ay mucaaradku haystaan si ay uga qeyb qaataan in si degdeg ah doorasho lagu qanacsan yahay dalka looga qabto. Waxa ay ka qeyb qaadan karaan dadaallada siyaasadeed ee socda, ayaga oo kaashanaya ururrada bulshada rayidka iyo beesha caalamka. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa saammayntii ay go’aannada siyaasaddeed ee dalka ku yeesheen hoggaamiyayaashii mucaaradka ahaa ee isugu tagay magaallada Garowe markii uu socday shirkii ay qabatay Heritage, halkaas oo wada-hadallo ay dhex mareen dhinacyada siyaasadda.
Haddii mucaaradku ay u kala deb qaadaan dowladda federaalka iyo labada maamul goboleed ee tabashada qaba, ama ay beesha caalamka iyo ururrada bulshada kala shaqeeyaan in doorashada degdeg loo qabto lana xalliyo caqadabaha iyo ismariwaaga jira waxa ay fududeyn kartaa in xaaladda taagan xal loo helo.
Dhinaca kale, hadda haddii ay muranka qeyb ka noqdaan oo ay dhinacyada ishaayaha -maamul-goboleedyada iyo Federaalka- ay ku biiraan waxa ay uga sii dari karaan cakirnaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta taas oo u jihaysankarta waddo aan la mahadin.
Yusuf Sh Isse Mohamud
yusuf.isse@hotmail.com
Comments