Wednesday, January 15, 2025


Xukun Jaceyl

By faallo , in Siyaasad , at March 1, 2021

Xitaa boqor George wuu rumeysan waayay natiijada doorashadii ka dhacday UK 1945. Qofna ma fileyn in xiddiggii guusha Rai’iisul Wasaare Winston Churchill ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka sida quruxda badan uga soo saaray dalkiisa asagoo ka guuleystay cadowgiisa Hitler iyo xulafadiisa uu natiijo ceynkaas ah la kulmi doonno.Wuxuu ahaa hoggaamiye ay dunida ka heybaysato, taageerada shacabku ay u ayaan waxqabadkiisa 10-ka sanno wuxuu gaaray 83%.

Madaxda la doortay iyo boqorkuba waxay filayeen inuu natiijo wannaagsan keenni doonno.In kastoo aysan dalki doorasho ka dhicin 10 sanno ah sababo la xiriira dagaalka socday, haddana Churchill wuxuu hayay xukunka inta u dhaxaysay Maajo 1940 illaa Luulyo 1945.Churchill wuxuu wasiirka ciidanka u ahaa Ra’iisul Wasaare Neville Chamberlain oo ku caan baxay siyaasaddii nabaddoonimada “Appeasement” ahayd ee gaartay heer uu Hitler kaga oggolaado shirkii Munich, Jarmal ee 1938 quwada Yurub dhexmaray dhammaan dalabaadka Hitler bal si loo baajiyo dagaal geysta qasaare la mid ah kii Kowaad.

Churchill wuu ku gacan seyray daciiftinimada RW Chamberlain, wuxuuna rumeysnaa inaan Hitler la aamini karin, in la iska dhiciyo mooyee.Waxaa dhacday sidii uu Churchill saadaaliyay; Hitler ma xurmeyn heshiiskii Munich, wuxuu 10 May, 1940 weeraray Belgium, France, Luxembourg, Netherland. Dhacdadaasi waxay Churchill siisay fursad uu RW ku noqdo.Xilliga doorashada loo diyaargaroobayay 1945, Churchill wuxuu billaabay inuu ka caga jiido si ayadoo lagu marmarsiyoonayo in dagaalku uusan weli dhammaan doorashada dib loogu sii dhigo 10 sanadood oo doorasho la’aan ah kaddib. Clement Attlee oo ahaa madaxa Xisbiga Shaqaalaha oo farsamadaas ka carooday ayaa ka baxay dowladdii wadaagga ahayd taas oo ku qasabtay Churchill inuu doorasho qabto Luulyo 1945.Shacabkii jeclaa geesigooda, waxaa sameyn ku yeeshay awood jaceylkiisa in ka badan waxqabadkiisa aan la inkiri karin.Xisbigii Shaqaalaha ayagaa guul weyn soo hoyay, Churchillna afkaa ciidda loo daray.

Waxay ahayd dhacdo la rumeysan waayay. Wargeysyada qaar ayaa qoray maqaal inaan looga dhigay, “Sidee Guuleeyste u guul daraysan karaa?”.Clement Attlee ayaa qasriga ugu yimid boqor George VI asagoo doonayo in RW-nimada la wareego. RW Clement Attlee waxaa la yaab ku noqotay soo dhoweyn xumida iyo weli xirnaanta lagu soo dhoweeyay. Wuxuu boqorkii ku yiri, ” anigaa ku guuleystay doorashada”. Boqorkii oo aan ku faraxsanaysayn guusha Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku yiri Clement, “hadda ayaan idaacada ka maqlay”. Waa mar uu Churchill uu la soo kulmay, xukunkana inuu wareejinayo ku wargeliyay. Waxaad doonto qabo, xitaa sida Churchill halyay dagaal oo dal badbaadiyay noqo, sida la doonno ha laguu jeclaado, waa caado insaanku leeyahay in qof xukun isku dhejiya, ama farsamo sharci darro ah oo uu ku joogo ku mashquula, in uusan hantiyi karin quluubta dadka. Wixii xoog ah waa gaar.

Waxaa qoray:
Xasan Aadan Hoosow

Comments