Laba ceebood oo ay Dacwadda Baddu na tustay iyo casharrada laga baran karo!
Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ ayaa 12-kii Oktoobar 2021 ku dhawaaqday natiijada kama dambeysta ah ee ay ka gaartay dacwad-sharciyeed ku saabsanayd muran xuduudda badda ah oo u dhexeeyay Somalia iyo Kenya. Go’aanka Maxkamaddu waxa uu meesha ka saaray sheegashadii Kenya ee qayb ka mid ah Badda Somalia, taas beddelkeedana waxa ay Maxkamaddu xarriiqday xudduud-badeed cusub oo aad ugu dhaw midkii ay Somalia ku doodeysay.
Qaybta Badda ee lagu muransanaa oo ay Maxkamaddu go’aanka ka gaartay waxaa cabbirkeeda lagu qiyaasay 41 kun oo Kiiloomitir labajibbaaran (41,000 Kilometre Square). Sida ay Maxkamaddu xeerisayna, waxaa ay Somalia ku guuleysatay in ay hesho 31 kun oo Kiiloomitir Labajibbaaran ah oo aagga la isku haystay ka mida.
Xukunka Maxkamadda waxaa u dabaal-degay oo isugu hambaliyeeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Cid walba oo arrintan ka hadashayna waxa ay muujisay in ay tallaabadani ka dhigan tahay gunnaanadka sheeko-mu’aamaradeed toban sano jirsatay oo ku gadaamanayd kiiska Badda.
Laga soo billaabo bishii April 2009 markii la saxiixay Is-afgaradkii u dhexeeyay Kenya iyo Somalia ee ku saabsanaa gudbinta qalfoof-badeedka heer qaaradeed ee labada Waddan, waxa ay sheekada Baddu ahaydmid ka mida hal-xiraalayaalkii ugu adkaa ee hareeyay dawladnimada Somalia oo lixdan jir aanan weli laxaadsan ah.
Sharraxaad ay Maxkamadda ICJ ka bixisay Is-afgaradkii ay labada Dal kala saxiixdeen ayaa waxa ay ku caddeysay in uu ahaa mid looga dan lahaa in ay Kenya iyo Somalia isla fahmaan sidii uu mid walba u gudbisan lahaa waxa loo yaqaan Qalfoof-qaaradeedkiisa dhanka Badda, oo la macno ah inta ay ku eg tahay cabbirka Geyi-badeedkooda oo isugu jira aagga Badda ee soke oo 12 Nautical Miles ah, aagga ganacsiga ee jillaabashada loogu talogalay (Exclusive Economic Zone) oo 200 Nautical Miles ah iyo weliba qaybaha ka dambeeya oo gudaha badda u sii fidsan illaa 350 Nautical Miles.
Sida ku qoran dukumintiga ay labada Dal kala saxiixdeen, iyo sida ay Maxkamaddu u akhrisayba, Is-afgaradku ka ma dhignayn heshiis ay dhinacyadu ka gaarayeen xudduudda Badda ee ay wadaagaan.
Laakiin si taas ka duwan, waxa ay muddo toban sano ah dadka Soomaaliyeed aaminsanaayeen in Is-afgaradka la saxiixay uu daarnaa bixinta qayb ka mida Badda Somalia oo si khiyaano ah Kenya loo siiyay.
Natiijada faham-xumadaas bulshada ku dhex baahsanayd ayaa sababtay in Mas’uuliyiintii ku lugta lahaa mashruuca Is-afgaradku ay ku dhiirran waayaan inay sharraxaad ka bixiyaan nuxurka shaqadii ay qabteen iyo waxa ka jira eedeymaha ay muddada dheer la kulmayeen ee ku saabsanaa in ay iibsadeen Badda Soomaaliyeed.
Arrinta yaabka leh ayaa waxa ay tahay in markii ay Maxkamaddu go’aanka ka gaartay dacwadda Badda ay hal mar iyo hal meel isugu yimaadeen siyaasiyiintii eedeysanayaasha u ahaa iibinta badda iyo kuwii wax eedeynayay, iyaga oo si wadajir ah u dabaaldegaya isuguna hambaliyaynaya in ay kaalin mug leh ka soo wada qaateen soo-dhicinta Badda.
Waxyaabaha la isugu hambaliyaynayo waxaa ku jira Is-afgaradkii Kenya lala saxiixday oo hadii uu shalay boog ceebeed ahaa maanta loogu waqlalay billowga iyo bud-dhigga guusha Badda. Goormee ayuu noqday? Sidee ayuuse ku noqday? La isma weyddiin!
Marka aan isku soo duubno, arrinta Badda- billow illaa dhammaad, waxa ay na tustay laba ceebood oo la xiriira hoggaanxumada Dalka, waxaana ay ceebahaas iyo casharrada aan ka baran karnoba kala yihiin sida soo socota:
Ceebta koobaad: Maareyn-la’aanta mushkiladaha
Ilduufka ugu horreeya ee ay galeen mas’uuliyiintii Soomaaliyeed ee ku lugta lahaa Is-afgaradka waa in ay ku guuldarreysteen inay si faahfaahsan dadweynaha ugu sharraxaan nuxurka Is-afgaradka. Waxa ay fursad siiyeen in ay dad kale ka soo warbixiyaan heshiiska, ka dibna fasiraad saaraan oo sidaas bulshada ugu soo gudbiyaan.
Beentu haddii ay mar fakato waxaa la yiraa run ka daba-tegi karta ma jirto. Madaxdii Dalka ee xilligaas oo ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ugu horreeyeen waxa ay lumiyeen fursad ay isla waqtigaas ku maareyn karayeen guuxii ka dhashay Is-afgaradkii la saxiixay, waxaana ay taas suurtogelin lahayd in ay dadku ogaadaan ujeeddada dhabta ah ee Is-afgaradka.
Arrinta kale ee lagu turaanturrooday waxay ahayd in Is-afgaradka uu qoraayay in aanan loo baahnayn ansixinta Baarlamaanka ee marka la saxiixaba uu ansax yahay, halka Baarlamaankii berigaas jiray ay dood adag ka galeen oo diidmana uga horyimaadeen Is-afgaradka.
Ceebta maamul iyo tan sharci ee arrintan ka dhalatay waxa ay soo caddaatay markii ay Maxkamadda ICJ ka jawaabtay dood ay Dawladda Somalia soo gudbisay oo ku andacoonaysay in Isafgaradkii Kenya lala saxiixday uusan meel-mar ahayn maadaama uu Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas jiray diiday. Maxkamaddu waxa ay ku kedisay Somalia ogaalka ku saabsan in markii la saxiixayba uu Is-afgaradku meel-maray laguna diiwaangeliyay keydka heshiisyada Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.
Haddii ay sidaas tahay, maxay Baarlamaankii 9-aad waqtiga ugu bixiyeen diidista heshiis aanan iyaga diidmo iyo ogolaasho midna uga baahnayn? Miyaysan akhrin warqaddii heshiiska, oo arkin qaybta sheegaysa in ansixintiisa aanay dood iyo codeyn Baarlamaan midna u baahnayn?
- Casharrada laga baran karo:
- Casharrada aan halkaan ka baran karno waxaa ugu muhiimsan in madaxda iyo mas’uuliyiinta dawladdu aysan fududeysan faafinta iyo faahfaahinta heshiisyada ay magaca Dalka iyo Dawladda ku galaan. Waa in ay Baarlamaanka soo gaarsiiyaan heshiis iyo is-afgarad walba oo la saxiixo si loogu helo kalsoonida Shacabka oo uu Baarlamaanku u taagan yahay.
- Waxaa kale oo aan halkan ka baran karnaa in wacyigelinta bulshada iyo ogeysiinta tallaabo kasta oo ay dawladdu qaadayso ay muhiim u tahay in laga gaashaanto kutiri-kuteen iyo warxumo-tashiil mugdi gelin kara shaqada dawladda, kalsoonidarrana ku abuuri kara shacabka.
Haddii aad intaad xilka hayso dadka runta u sheegi waydo, waxaad markaad xilka ka degto ka dib ku imtixaannaan doontaa la-tacaalidda been-abuur lagaa faafiyay oo baabi’intiisa ay hanti, halgan iyo howl adag kaa geli doonto.
Ceebta labaad: Marin-habaabin iyo Macaash-raadin Siyaasadeed:
Haddii madaxdii ku lugta lahaa Is-afgaradka ay haleeli waayeen shaafinta iyo shaki-bixinta shacabka waxaa iyagana xaajada sii murjiyay mas’uuliyiintii xilka kala wareegay kuwa hore, oo iyaguna ku guuldarreystay in ay kor u qaadaan wacyiga dadweynaha oo wax badan ka ogeysiiyaan xaqiiqada ku saabsan arrinta Badda iyo Is-afgaradkii lagu murmay.
Madaxweyne Xasan Sheekh, in kasta oo ay taariikhda u gashay inuu dadaal geliyay gudbinta dacwaddii Badda, haddana dhaliilaha loo soo jeediyo waxaa ka mida in uu siyaasadeeyay oo uu marin-seejiyay arrintan xasaasiga ah oo ay muhiim ahayd inay dadku sida ay tahay uga war helaan.
Ceeb kuma aysan ahayn inuu Madaxweynuhu la xifaaltamo mas’uuliyiintii isaga ka horreysay oo uu u arkayay musharraxiin culeys saari karay qorshihii dib-u-doorashadiisa, hase ahaatee haddii uu in yar oo xikmad ah xifaalada ku xarakeeyo, waxa uu garan karay in libinta ugu weyn ee uu qof siyaasi ah kiiska Badda ka helo ay ahayd in dacwad sharci ah arrintaas laga gudbiyo taasna uu isagu gacanta ku heystay.
Hadda oo ay Maxkamaddii dacwadda qaadeysay go’aan kama-dambeys ah gaartay, waxaa bannaanka u soo baxay wixii uu dhab ahaan ka dhignaa Is-afgaradkii 2009. Madaxweyne Xasan Sheekh laftiisuna hadal uu ka jeediyay xaflad ay todobaadkaan xubnaha Midawga Musharraxiintu ugu dabaaldagayeen natiijada Maxkamadda waxa uu amaan u jeediyay madaxdii uu afar sano ka hor ku eedeeyay inay Badda Somalia muranka geliyeen. Maxay amaantiisa maanta ku kordhinaysaa wacyi-dhiska bulshada, marba haddii uu shalay qayb ka ahaa marin-habaabintooda?
- Casharka laga baran karo:
Darsiga aan halkaan ka kororsanayno waa in madaxda ummaddu aysan guulo siyaasadeed ka raadin qaddiyadaha xasaasiga ah oo in runtooda la ogaado ay muhiim u tahay dhisidda ogaalka bulshada iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya dadka iyo dawladdooda. Mas’uul shacabkiisa siraya, iyo mid iyaga oo siran siriqda ku sii haysanaya labaduba waxa ay ku gefayaan mas’uuliyaddii ka saarnayd inay dhisaan garaadka bulshada.
Waxaa Qoray: Maxamed Cabdullaahi Dhaaley
dhaaley@faallo.so
Comments